Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqaalaha Israel kaga khasaaray dagaalka Iran oo la shaaciyey

Labadii maalmood ee ugu horeysay dagaalka Israa’iil iyo Iran, balaayiin doollar baa ka khasaartay dhaqaalaha Israa’iil. Usbuucii ugu horreeyeyna, Israa’iil waxay kharash-garaysay $5 billion.

Warkan waxaa qoray Wargeyska the Financial Express oo intaas ku daray in maalin walba ay Israel dagaalka kaga bixi jirtay $725 million. $593 million lacagtaas ka mid ah waxaa lagu bixin jiray weerarrada la qaadayo, halka $132 million lagu bixin jiray arrimaha difaaca iyo abaabulka ciidammada.

The Wall Street Journal wuxuu isaguna ku warramayaa in kharashka maalinlaha ah ee ay Israa’iil ku bixin jirtay habka difaaca gantaallada ku soo socda Israa’iil ay ahayd $10 million ilaa $200 million maalin walba.

Isku-gaynta dhaqaalaha baxay wuxuu ahaa  $12 billion.

Sida laga soo xigtay Aaron Institute for Economic Policy oo fadhigiisu yahay Israa’iil, hal bil oo uu dagaalku sii socon lahaa, Israa’iil way kici lahayd dhaqaale iyo hub ahaanba.

Khubarada dagaalka qaar, waxay leeyihiin dhaqaalaha baxay waa $20 billion.

Hoos-u-dhaca dhaqaalaha Israa’iil hadda wuxuu marayaa 6%. Waxaa ciriiri galay lacagaha hawlgabka ah ee dadka la siiyo iyo dhaqaalihii kale ee bulshada looga faa’iidayn jiray. Tirada dadka Israa’iil ee guryahooda laga daadgureeyey waxay kor u dhaafeen 10,000 hal usbuuc kaliya, halka 36,465 qofna ay dalbadeen magdhaw. Warkan waxaa baahinaya the Israel Tax Authority.

$857 million ayaa loo soo wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga, halka  $200 million laga soo kala jaray Wasaaradaha Caafimaadka, waxbarashada iyo Wasaaradda adeegga dadwaynaha. Wargayska financial newspaper Globes ee Israa’iil ayaa sheegaya, in  lacagtaa meelaha kale laga soo jaray lagu baxshay kharashaadka Milleterigu galay.

450,000 askari oo kayd ahaa, ayaa loo yeeray intii uu dagaalku socday. Lacagta Israa’iil ee shekel la yiraahdo, ayaa 3.7 hoos u dhacday marka lagu sarrifayo doollarka. Warshadda saliidda sifaysa ee ugu wayn Israa’iil ayaa albaabada loo laabay

Airport-ka Ben Gurion Airport ayaa hawlihii joojiyey. Maalin walba halkan waxaa iman jiray 300 duullimaad iyo 35,000 qof oo rakaab ahaa.

Warbaahinta Israa’iil gaar ahaan Kanaalka  12-aad ee Israa’iil ayaa sheegtay in ay waxyeelo ba’an soo gaartay kow iyo soddon kun oo dhismo ah iyo Afartan kun oo baabuur ah, kuwaasoo ku bur-buray Weerarraddii ee Gantaaldda Iran ay ku duqeysay Israa’iil laba iyo tobankii maalmood ee colaadda Iran iyo Israa’iil socotay.

Related posts

Qarax lagu aasay xaafad ka mid ah Magaalada Muqdisho oo la fashiliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar ismniidaamin ah oo lala beegsaday Safaarada Maraykanka ee Tunnis (Sawirro)

Caydiid Ali

Mahad Salaad oo mar kale loo magacaabay Agaasimaha NISA

Cabdi Cade
Taboola Ads ---