Jen. Indhoqarshe oo hal qodob ku amaanay ciidanka Ilaalada Villa Somalia (Daawo Sawirro)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” ayaa kormeeray taliska Ururka 60aad ee ciidanka Ilaaladda Madaxtooyada Qaranka, halkaasi oo ay ka socdaan tababaro Ciidanka aqoontooda kor loogu qaadayo.

Ku-simaha Taliyaha Ururka 60aad, ahna Abaanduulaha Ururkaasi Dhamme Dayax Cabdi Cabdule, ayaa S/gaas Indhoqarshe uga xogwaramay shaqada ay hayaan ciidanka iyo tababarada halkaasi ka socda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa ciidanka Ururka 60aad ku boggaadiyey shaqada adag ee ay u hayaan, isaggoo Ciidanka kula dardaarmay inay tusaale lagu daydo u noqdan ciidanka Qaranka.

Kormeerka ka dib ayaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay saraakiisha ciidanka ilaaladda Madaxtooyadda Soomaliya, isagoona warbixin ka dhageystay saraakiisha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -