Allbanaadir.com
NEWS

Qarax la doonayay in lagu weeraro guri kuyaalla Muqdisho oo la fashiliyay

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa u tababaran kahor taga qaraxyada ayaa saakay fashiliyay qarax miino oo la dhigay daaqada guri kuyaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dadka deegaanka heleen xogta qaraxa miino ee la dhigay daaqada guri kuyaalla degmadaasi, waxa ayna dadka deegaanka durba ku war-geliyeen booliiska oo fashiliyay qaraxaasi.

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa baarista miinooyinka ayaa ku guuleestay in ay qarxiyaan miinada, waxa ayna booliiska sheegeen in qaraxaasi uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Qaraxa miino ayaan la ogeyn cida la doonayay in lagu weeraro, waxa uuna qaraxan la fashiliyay imaanayaa, xilli saakay qarax miino oo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac Dayniile loogu geestay askar katirsan milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada aqal oo lagu kordhiyey lix xubnood oo metelaya..

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo Dacwad ka dhan ah Kenya gaarsiisay Cabdalla Xamduuk

Cabdi Cade

Ciidanka NISA iyo koox ka tirsan Al-shabaab oo ku dagaalamay xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---