(Sawirro) Maxay yihiin kulamada uu Axmed Madoobe ka wado Magaalada Muqdisho?

Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka daganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay masuuliyiin kale duwan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa qaabilay gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Barlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo ay kawada hadleen xaaladda dalka iyo siyaasada.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan la qaatay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya Mohamud Macalin Cabdulle iyo kuxigeenkiisa Dr Ahmed Abdi Aadan oo uu kala hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay Degmada Afmadow iyo xanuunada ka dhalan kara, qorshaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ayuu sheegay gudoomiyaha in ay tahay sidii wax muuqda looga qaban lahaa deegaanada Jubaland arimaha Gargaarka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Jubaland ayaa qaabilay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Ganaral Sulub Axmed Firin.

Kulanka ayaa lagaga hadlay wada shaqaynta Ciidamada Booliska heer Federaal iyo heer Jubaland sidii la iskaga kaashan lahaa arimaha amniga iyo hormarinta Ciidamada Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -