Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisad Dagaal oo ka taagan Boosaaso iyo ciidamo hor leh oo gaaray

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa ka taagan xiisad aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo gadoodsan  katirsan PSF kana soo horjeeda xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimahooda.

Ciidamada PSF oo ah kuwa aad u hubeesan ayaa dhufeesyo ka dhigtay xaafado katirsan magaalada Boosaaso, waxa ayna saraakiisha ciidamadan sheegeen in aysan cidna duulaan ku aheyn balse iska difaacayaan cidii soo weerarta.

Maamulka Puntland ayaana ciidamo badan ku daadgureenaya magaalada Boosaaso, waxaana saacadihii lasoo dhaafay magaaladaasi gaaray ciidamo badan oo ka baxay magaalada Garawe iyo magaalooyin kale.

Shacabka magaalada Boosaaso ayaana aad uga cabsi qaba in magaalada Boosaaso ka dhacaan dagaal dhiig ku daato, waxa ayna shacabka ugu baaqeen dhinacyada is haya in khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan.

Ciidamada PSF oo ah ciidamo si gaar ah u tababaran looguna tala galay in ay la dagaalamaan Argagaxisada ayaa ka carooday xil ka qaadis Madaxweyne Deni ku sameeyay agaasimahooda, waxa ayna kasoo baxeen farumaha dagaalka kasoo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa looga hadlay shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Cabdi Xaashi: “Maanta oo kale waxaa na looga baahan yahay Midnimo & taageero”

Caydiid Ali

Sheekada Farmaajo ayaa guri Shacabka uga dhisayaan magaalada Muqdisho !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---