Allbanaadir.com
NEWS

Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Cali Ibraahim xildhibaan ayaa xilka ka la qaaday.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiisay warqad xilka looga qaaday taasoo uu ku saxiixnaa wasiirka amniga.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in shan cisho ka hor uu isagu xilka iska casilay balse uusan saxaafada la wadaagin.

“Anigoo ka jawaabaya qoraal uu isoo gaarsiiyay Xogheynta Wasiirka Amniga oo ku saabsan qoraal la been abuuray inuu soo baxay 5-tii bishan July in la iga qaaday xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, waxaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inaan xilkaas iska casilay 7-dii bishan, kaddib markii weerarka lagu soo qaaday Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga”. Ayuu ku yiri C/casiis Xildhibaan kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Afhayeenka ayaa loo badinayaa in xilka ka qaadista lagu sameeyey ay salka ku heyso  hadalo uu siiyey warbaahinta oo uu si kulul ugu weeraray Madaxda dowladda Soomaaliya iyo laamaha amniga, isagoo ka hadlayey weerarkii Al-Shabaab Sabtidii ay ku qaadeen Xarunta Otta Otte oo ay ku yaalaan Xarumaha Wasaaradaha amniga iyo Gudaha ee dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Fagaare kuyaala degmada Galhareeri ku toogatay Xasan Daahir Mire oo…

Cabdi Cade

Taliyihii saldhiga Booliiska Hodan iyo dad kale oo badan oo ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho

Cabdi Cade

Xulka Qaranka Somalia oo guul taariikhi ah ka soo hoyey tartanka CECAFA (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---