Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland oo digniin culus u diray Madaxweyne Deni (Akhriso)

Madasha siyaasada Puntland ayaa digniin culus u dirtay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ay ku eedeeyeen inuu doonayo xukunka inuu ku dheereysto waddo sharci daro ah.

Madashan oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaaradsan Deni ayaa ka digay gacan ka hadal kale oo ka dhasha wax ay ugu yeereen damaca Deni ku doonayo doorasho afduuban sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalkan ayaa ku soo aaday xili ay sare u kaceyso xiisada ka taagan Puntland ee u dhexeysa Deni iyo siyaasiyinta ka soo horjeeda kuwaasoo isku maandhaafsan doorashooyinka goleyaasha degaanka ee la filayo la qabto 25-ka bishan May, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkaas uu isku bedelo qalalaase iyo gacan ka hadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -