Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda Twitter oo digniin adag u dirtay Macaamiisheeda & khatar soo shaac baxday

Shirkadda Twitter ayaa 330 milyan oo ruux oo adeegsada ka codsatay inay baddalaan furaha sirta ah ee ay ciwaannadooda ku galaan, ka dib markii ay cillad soo food saartay shirkadda.

Shirkadda ayaa sheegtay in baaritaan gudaha ah oo ay samaysay uu muujinayo inaysan jirin wax tilmaamaya in dad shirkadda u shaqeeya ay xadeen ama si xun u adeegsadeen furayaasha sirta ah ee ciwaannada.

Si kastaba ha ahaatee dadka ciwaannada ku leh ayay shirkaddu ka codsatay inay furahooda sirta ah baddalaan.

Shirkadda Twitter ma aysan sheegin inta bog ee ay saamaysay ciladdaasi, Waxaase la fahamsan yahay in aysan yarayn tirada dadka ay saamaysan arrintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaamiyaha Xamaas oo ka hadlay dilka ciidamada Israel u geysteen caruurtiisa

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Ganaax lacageed oo laga qaadayo gabdhaha Guurka loo soo bandhigto ee iska diida !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---