Waa Maxay faa’iidada ugu jirta dowlada Somalia qorshaha ay maanta ansixisay EU? (Daawo Sawirro)

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shir guddoominayay Kulan u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo looga hadlayay qorshaha horumarinta ciidanka booliska Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, kaasi oo dhawaan Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya ku kala saxiixdeen 42 Milyan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay shirka ku soo bandhigtay baahiyaha gaarka ah ee la xirira horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay diyaarisay Wasaaradda Amniga, iyadoo ay ka mid ahayd qorshaha sugidda Amniga garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho oo dhawaan amnigiisa lagu wareejiyay ciidanka booliska.

Dood dheer kaddib ayaa waxaa lagu ansixiyay qorshahaas ku aadan horumarinta booliska Soomaaliyeed oo ay taageereyso Midowga Yurub, waxana ka mid ahayd taageerada dhaqaale ee qorshaha sugidda amniga Stadium Muqdisho.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ayaa sheegay in qorshahan uu ahaa mid Midowga Yurub ay kal hore kala saxiixdeen dowladda, isla markaana 80% uu ku soo dhamaaday guul, isagoo intaa ku daray in dhawaan ay mar kale yeelan doonaan shir arrimahan la xiriira.

“Shirkan waxa uu daba socdaa shirkii hore aan ku kala saxiixanay 42 Milay oo lagu kobcinayo booliska Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed,  marka sida aan horey u sheegnay baahida heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed ayaan soo gudbisanay, marka maanta waxaa la ansixiyay 80%, wixii aan soo gudbisanay dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, tusaale ahaan baahida stadium Muqdisho oo aan dhawaan la wareegnay, dhawaana wey heli doonaan qalab iyo wixii ay u baahan yihiin, waana guul u soo hooyatay Soomaali oo dhan, lacagtaasna waa lacag loogu talaglay Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -