MUQDISHO: Canshuur badan, qashin Buuro noqday, lo’ jidadka daadsan & waxqabad la’aan..!!(Daawo Sawirada)

Muqdisho oo ah caasimada Somalia iyo muraayadii laga daalacanayey horumarka dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxaa ku soo kordhayey nadaafad darro ku baahday degmooyin ka tirsan gobolka, iyadoo lagu dhaliilayo dowladda hoose inay ka gaabisay xilkii ka saarnaa kormeerka iyo la socodka qashinka ceegaaga waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Maamulka gobolku wuxuu xoogga saaray nadaafada hal waddo oo keliya taasoo ah KM4 iyo wadada Maka Al Mukarama, halka goobaha ugu badan ee nadaafad darridu dilootay aan xagooda wax tillaabo ah loo qaadin, waxaadna arkeysaa marka aad lug ku soo marto waddooyinka magaalada in adeegii nadaafadu habsan yahay.

Qashin buuro ka sameysmay ayaa waxaa aad ku arkeysaa suuqyada waaweyn qaarkood iyo jidad muhiim ah oo ku yaalla magaalada, waxaana jira la xiriira arintan maadaama uu soo dhow yahay xili roobaadka oo hadii qashinkan aan wax laga qaban sababi kara cuduro halis ku ah fayo dhowrka guud ee bulshada.

“Waxaad moodaa in mashaariicdii horumarineed ee ay magaaladu heshay aan si fiican loo maamulin, loogana faa’iideysan, oo hogaanka gobolku ku sifoobay musuqmaasuq iyo boob, waxgaradkii la xisaabtami lahaana ay isha ka daawanayaan” ayuu yiri Cabbaas Cali oo ah darawal mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha, wuxuu tilmaamay in duqa gobolka marar badan uu sheegay in daqli aad u fara badan gobolku soo xareeyo, hasse ahaatee gobolku wuxuu heybinayaa xuquuqdiisa asaasiga aheyd ee adeega bulshada.

Sidoo kale lo’ fara badan oo inta badan xiliyada habeenkii la arki jiray ayaa hadda la arkaa dharaar cad waxayna  dhibaato ku heysa nadaafada iyo bilicda wadooyinka caasimada, waxaana  lagu arkayaa jidadka qaar saxarada lo’da oo laamiyada dhex daadsan iyadoo gaadiidku ay dul maraan, taasoo wax weyn u dhimeysa beyadda iyo fayo dhowrka caasimada.

“Canshuur malaayiin dolar gaareysa ayaan bil walba bixinaa, guddoomiyaha gobolka Inj. Yariisow-na waxaa uu mar kasta shacabka ku Maaweeliyaa hadalo been ah iyo hadal aan ficil laheyn” ayuu yiri Xuseen Qaasim Koorweyne oo ka tirsan ganacsatada Muqdisho. Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku caan baxay balan ka baxyo iyo fulin la’aan go’aamada uu soo saaro.

In la banneeyo goobaha danta guud oo ay ku jiraan darjiinooyinka magaalada oo horey uu amar uga soo saaray gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaanay illaa hadda waxba ka hirgelin.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale bartamihii sanadkii hore amar uu soo saaray faray dadka xoolahooda magaalada ku soo dhex daaya, gaar ahaan lo’da inay xafidaan xoolahooda, isagoo siiyay 2 todobaad balse lo’da weli waa buuxdaa jidadka,mana jirto talaabo laga qaaday.

Dadka Muqdisho waxaa ka muuqato kalsooni-darro badan, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu ku fashilmay inuu la yimaado Istiraatiijiyad maamulka lagu daadejinayo oo lagu dhisayo goleyaal deegaan, arrintaasoo wax weyn ka tari laheyd fulinta amarada gobolka oo hadda aan soo dhaafin ilinka xafiiska Eng. Yariisow.

FG:Sawiradaan waxaa noo soo qaaday Wariye Abdixakiin oo jooga Magaalada Muqdisho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -