Maxkamad ku taalla Mareykanka oo 260 sano ku xukuntay Sayfullo Saipov (Sawirro)

Sayfullo Saipov ayaa 2017-kii dilay sideed qof kadib markii uu gaari xamuul ah jiirsiiyay dad lugeynayay iyo kuwo baaskiillo watay oo marayay wadada Manhattan ee magaalada New York sanadkii 2017-kii.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu qaaday mid kamida weerarradii argagaxiso ee ugu xumaa, Waxaana lagu xukumay 260 sano, waligiisna lama sii deyn doono.

Markii xukunka lagu ridayay, waxaa loo sheegay inuu “kharribiyay nolosha dad badan” laakiin ma uusan muujin wax qoomamo ah intii ay socotay dacwadda.

Saipov ayaa waxaa maxkamada kaga horyimid qoysaska dhibanayaasha iyo kuwii ka badbaaday, iyadoo xaakimku uu xusay inuusan ka qomameynin intii lagu guda jiray dacwada.

35 jirkan u dhashay dalka Uzbekistan ayaa weerarka u adeegsaday gaari kiro ah si uu ugu weeraro baaskiil wadayaasha iyo dadka lugaynayay gudaha magaalada Manhattan fiidnimadii Halloween 2017. isagoo ku qeylinayay “Allahu Akbar”.

Waxaa la filayaa in lagu hayo xabsiga Supermax ee ku yaalla gobolka Colorado, halkaasoo maxaabiistu ay qolalka ay ku jiraan ku qaataan ilaa 23 saacadood maalintii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -