Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Xamse oo amar cusub siiyey xubnaha Golaha dhaqaalaha Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Waxaa kulankaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray kobcinta cilmi baarista dhaqaalaha, kobcinta heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed, iyo wada shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loogu diyaar garoobo koboc dhaqaale waara marxaladda ka dambeysa deyn-cafinta iyo ka xoreynta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Golaha dadaalkii ay ku bixiyeen diyaarinta wejiga 1-aad ee Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060-ka.

Waxaa uu faray inay dardargeliyaan qorshaha dhaqaalaha dalka kadib Deyn-cafinta iyo sidii dalku u yeelan lahaa kaaboyaal dhaqaale oo xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxaa looga hadlayaa shirka u furmay Dowlada Somalia, Bankiga Adduunka & IMF?

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Axmed Jumca Al-Rumeysi (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo Shaaciyay in Duqeyn ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade