Allbanaadir.com
NEWS

DFS iyo ATMIS oo kawada hadlay Xasilinta goobaha Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Ambassador Maxamex El-Amine Souef, taliyaha ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding & Taliyaha Booliska ee ATMIS.

Kulankan oo ka dhacay xarunta hawlgalka ATMISĀ  ee magaalada Muqdisho, ayey kaga wada hadleen dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta ee ka socda deegaannada cusub ee dhowaan laga xureeyay Al Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay Madaxda howlgalka ATMIS taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo ka caawinta dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Ambassador Maxamex El-Amine Souef, ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin garab siinta ciidanka Soomaaliyeed , waxa uuna ballan-qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan xasillinta deegaannada Al Shabaab laga saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo nidaam difaac oo casri ah ku xirtay xarumaha Nuclearka

Caydiid Ali

Gaas oo xilka ka qaaday Taliyaasha Booliiska iyo Daraawishta Puntland kuwa cusubna magacaabay

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Xasan Shiikh Max’uud & danjire Michael Keating? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---