Dib u dhac ku yimid shirkii Madaxda dowlad goboleedyada & Sababta ka dambeysa

Shirka Madaxda maamul goboleedyada ee manta lagu waday inuu ka furmo magaalada Kismaayo ayaa la shaaciyey inuu dib u dhacay.

Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed,Puntland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa ku wada sugan magaalada Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubbaland Axmed Madoobe.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda Cabdi Cali Raage ayaa goor dhow Warbaahinta u sheegay in shirka uu maanta u baaqday sababo la xariira xagga Farsamadda isla markaana uu beri furmi doono.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wakiilka QM ee Somalia danjire Keating oo manta gaaray Kismaayo uu codsaday in loo dhigo shirka, si looga wadahadlo xal ka gaarista khilaafka u dhexeeya dowlada federaalka Somalia iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa horey u iclaamiyay Guddoomiyaha dgolaha iskaashiga dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas , waxaana looga hadlayaa qeybsiga kheyraadka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u galeen dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -