Guddiga madaxa banaan ee Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo la magacaabay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddiga madaxa banaan ee Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Guddigan uu magacaabay Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka kooban 7-xubnood , waxa uuna sheegay in sababta uu u magacaabay guddigan ay tahay baahida loo qabo guddi madax banaan oo maareeya xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan la filayaa in ay ka dhacdo doorashada Baarlamaanka iyo Hogaanka maamulkaasi, waxaana Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe mar kale rajo weyn ka qabaa in lasoo doorto.

 

- Advertisement -