Raisul Wasaare Khayre oo xil sare u magacaabay Siyaasiga C/raxmaan Baadiyow (Akhriso)

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Macalin (Baadiyow) loogu Magacaabay la-Taliyaha sare RW ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Xasan Cali Kheyre markuu tixgaliyay Baahida loo qabo in la magacaabo La-taliye sare oo Khibrad u leh Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta, markuu arkay Qodobada Dastuurka ee kala ah Qodobka 99-aad (A) (D) iyo Qodobka 100-aad (A) (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Marku arkay Taariikh Nololeedka (CV), Kartida, Aqoonta iyo Waayo arragnimada Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Macalin (Baadiyow) wuxuu u magacaabay Magacaabay La-Taliyiisa Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Cabdiraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow ayaa ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay Dib u heshiisiinta, horumarinta Waxbarashada, waana siyaasi codkar ah oo ka mid ahaa musharixiintii u tartamay doorashada madaxweynaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -