Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo qabtay Eedeysanayaal waa weyn oo ka ganacsanayay Maan-dooriye (Sawirro)

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa howlgal gaar ah ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen saddex qof oo ku eedeysan in ay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan .

War kasoo baxay taliska booliiska G/Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay saddex eedeysane oo ahaa kuwii ugu waa weynaa ee in muddo ah ka ganacsanayay Maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida: Xashiiska, Qamriga iyo Calaqa.

Booliiska saddexda qof ay soo qabteen waxaa ku jirta haweeney da’ ah oo kamid aheyd dadka ka ganacsada maan-dooriyaha, waxaana magacyada dadka lasoo qabtay kala yihiin.

1- C/qaadir Cali Maxamed( Daraf).
2- Axmed Xuseen Cumar (Axmed Shiikhaal).
3- Saciido Maxamuud Juruf( Saciido Buraale).
Ciidanka booliiska ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howlgalada ka dhanka ah maan-dooriyaha sida xashiishka , calaqa iyo qamriga, waxa ayna ciidamada xabsiga dhigeen dad badan oo ka ganacsanayay waxyaabahaasi maankadooriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab shidaal wada oo ku gubanaya Badda cas (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Xamse & Laftagareen?

Caydiid Ali

Turkiga oo shaaciyay in Soomaaliya lagu haayo cadaadis ka dhashay Khilaafka Khaliijka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---