Ku-simaha Madaxweynaha oo la kulmay Madaxweyne Laftagareen (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa maanta kulan kula qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Kulanka guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa wajiga labaad ee dib u xorreynta deegaannada argagaxisada go’doomiyeen si dadka Soomaaliyeed ay u helaan nabad gelyo iyo xasilooni.

Waxa ay sidoo kale kawada hadleen xaalada siyaasadeed ee deegaannada maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan diyaarinta doorashooyinka la filayo in dhammaadka sannadkan ka dhaco Baydhabo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku guuleestay in uu xaliyo khilaaf siyaasadeed ka taagnaa maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan muddo kororsigii halka sanno uu sameeyay Lafta Gareen oo ay kahor yimaadeen siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -