Xassan Shiikh oo la kulmay Saraakiil tababar Milateri ku qaadanaya Doha (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay  Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socda dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar doorkan kuu aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda.

“Waxaad tihiin abuurkii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ka aasaasmayey qeyb ka mid ah waajibaad culus ayey idinka sugayaan dalkiina iyo dadkiina” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Shiikh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Qaran aysan aheyn wax fudud oo muddo kooban lagu sameyn karo balse ay tahay shaqo qaadaneysa muddo dheer oo u baahan dedaal iyo juhdi badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO IYO VIDEO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -