Ridwaan Salaad oo caawa lagu toogtay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Xaafadda Jaamacadaha oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa Kooxo hubeysan waxay caawa ku toogteen Haweeney ka tirsaneyd Ciidanka Booliska Soomaaliyeed taasi oo lagu Magacaabi jiray  Ridwaan Salaad.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda ay Hoygeeda ugu galeen isla markaana ay dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkeeda sida ay sheegeen dad ku sugnaa goobta xiligii uu falku dhacayey.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo wax yar ka dib gaaray goobtaas ayaa baaritaano ka bilaabay, iyagoo isku dayaya iney soo qabtaan kooxihii dilkaas geystay oo baxsaday.

Xalay ayey aheyd markii degaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho kooxo hubeysan ay ku dileen labo oo goofley aheyd, mana jirto cid sheegatay.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan soo hagaagayey, waxaana aad hoos ugu dhacay dilalka iyo qaraxyada magaalada ka dhici jiray inkastoo mararka qaarkood nay dhacaan falal amaan daro iyo dilal aan badneyn.

 

- Advertisement -