(Sawirro) Wasiirad Khadiija Al-Makhzumi oo deeq cajiib ah ku wareejisay Xoogga dalka

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukumadda Federaalka Soomaaliya marwo Khadiija Maxamed Makhsuumi ayaa qaaday talaabo cajiib ah oo ka gedisan go’aanKII golaha wasiirada ee ahaa in wasaarad walba ay labo neef oo geel ah ugu deeqdo ciidanka xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Marwo Khadiija Maxamed Makhsuumi ayaa bedelkii Geella hal tan oo kalluun ah ku wareejisey wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa si loo sii dhiirragalleyo Ciidanka.

Maxamed Cali Xagaa wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ayaa ka mahadceliyey deeqda wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Taliska qaybta guud Booliiska Gobolka Benaadir, iyadoo laga duulayo go’aankii xukuumadda ee ahaa in ay wasaaraduhu taageeraan ciidamada qaranka.

“Innaga oo gudaneyna waajibka naga saaran garab istaagga ciidamadeena Qaranka iyo dadka deegaanka ee naftooda u huraya xoreynta dalka ayaan maanta Wasaaradda Amniga ku wareejinnay hal tan oo kalluun ah oo aan ugu talo galnay ciidamada. Waa xilligii aan isku tashan lahayn oo aan dhibka khawaarijta iska dul qaadi lahayn oo qof walba oo Soomali ah uu uga qeyb qaadan lahana waxa uu heysto” ayey tiri wasiirada.

Sidoo kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxay ugu talogashay taageeradaan in ay ku dhiirrageliso bulshada Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan kheyraadka dalka, si gaar ahna muhiimad loo siiyo kalluunka oo dalkeennu hodan ku yahay.

“Anagu hadaan reer Banaadiri nahay Geel ma dhaqano, ee waxaan dhaqanaa kalluun, sidaas darteed waxaan ugu deeqnay ciidankeena hal tan oo kalluun ah si ciidanka loo baro muhimada kalluunka si la mid ah Geella” ayey tiri Wasiirada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -