Musharaxad geeriyootay oo loo doortay kursi Xildhibaanimo oo ay u tartameysay

Haweeney geeriyootay dhowr maalmood ka hor ayaa ku guuleystay doorashada dowladaha hoose ee gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya oo ay u tartameysay.

Asia Parveen, oo 25 jir ah, ayaa u tartamaysay sidii musharrax madax bannaan kursi loo qoondeeyay haweenka degmada Amroha.

Balse 4-tii May, laba toddobaad ka hor doorashada, waxay u dhimatay caabuq aad u daran oo sambabada iyo caloosha ka haleelay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in u codeeyeen gabadha geeriyooday iyagoo u sababeeyay in ay oofinayaan ballaantii ay ka qaadeen intii ay ku jirtay ololaha doorashada.

Waxay haysataa ku dhawaad ​​2000 oo cod iyadoo saaxada siyaasadda gashay markeedii ugu horreysay.

Doorashooyinka golaha iyo baarlamaanka ee Hindiya, haddii musharraxa uu dhinto ka hor doorashada, habka doorashada ayaa noqonaya mid ku celis ah , iyadoo aan waxba laga soo qaadeyn natiijadii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -