Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xamse Barre iyo masuuliyiin kale oo sagootiyey danjire Larry J. Andre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada Amniga, La-dagaallanka Argagixisada, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada iyo Bini’aadannimada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay Danjiraha sii baxaya ee Mareykanka Larry J. Andre oo ay dhammaatay hawshiisii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Mudanayaal ka tirsan goleyaasha Dowladda.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay muddo dheer Soomaaliya ka taageeraysay dowlad dhiska, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Danjire Andre oo uu sheegay in uu yimid Soomaaliya, xilli adag oo ay dalka ka jireen caqabado amni, siyaasadeed iyo xaalado bini’aadanimo.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Danjiruhu uu door weyn  ka ciyaaray sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykanka.

Dhankiisa, Danjire Andre ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta iyo soo dhaweyntii loogu sameeyay Soomaaliya intii uu ka hawlgalayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madax kala duwan kula kulmaya Dooxa

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo saakay Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhaxe iyo sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay go’aankii uu qaatay Madaxweyne William Ruto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---