(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulan Wasiirka difaaca Somalia la qaatay dhigiisa Kenya?

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka wadahadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka Al-shabaab kadib kulan ay ku yeesheen Kenya.

“Waxaan ka wada hadalnay doorka hogaamineed ee ciidamada Soomaaliya ee Howlgaladda socda iyo in ay naga caawin doonaan tababarrada heerka sare ee ciidaanka xoogga dalka” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale dhiggiisa Kenya uga mahad celiyay kaalinta Kenya ku leedahay la-dagaalanka Al-shabaab maadama ay kamid yihiin howlgalka Midowga Afrika iyo dalalka safka hore.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyey malamo ka hor furista xuduudda labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal sida ganacsiga, iskaashiga amniga iyo duulimaadyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -