Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda Soomaaliya oo dhaqan-gelisay Shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.

Shuruucda iyo habraacyada muhiimka ah ee hagaya Hay’adda Duulista Rayidka ah oo ay meel mariyeen goleyaasha dowladda ayaa suuraglisay in hay’addu ay noqoto mid la jaanqaadaysa hay’adaha dhiggooda ah ee adduunka, iyada oo hay’addu sameynaysay sannadihii dhawaa horumaro kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey horumarka ay sameysay Hay’adda Duulista Rayidka ah, ayaa sheegay in hay’addani ay ahmiyad gaar ah u leedahay qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxuuna intaas ku daray in xukuumaddu ay ka shaqeynayso horumarinta garoomada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay Hay’adda Duulista Rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, isla markaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hay’adaha dhiggeeda ah ee caalamka, taas oo ah guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Shuruudo adag ku xiray in shirka DF iyo Maamulada lagu qabto Muqdisho !!

Cabdi Cade

Farmaajo oo markii 6 aad iclaamiyay Shir looga hadlayo arimaha Doorashada !!

admin

Odayaasha iyo Bulshada soo xuleysa kuraas lagu dooranayo Galmudug oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---