Allbanaadir.com
NEWS

Villa Somalia oo ka jawaabtay eedeymo culus oo kaga yimid Maamulka Puntland

Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan maalgashiga iyo Ganacsiga, Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa iska fogeeyey eedeynta uu u soo jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in shaqaaqada xalay ka dhacday magaalada Garoowe uu ka dambeeyo madaxweynaha Soomaaliya, si gaar ah wuxuu ugu eedeeyey ergayga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan maalgashiga iyo Ganacsiga Khadar Cabdiraxmaan Faroole.

Hase ahaatee Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo uu dhalay Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa iska diiday eedeyntaas, isagoo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn.

Iska horimaadkan ayaa waxaa uu dhex maray ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland iyo ciidamo taabacsan siyaasiin mucaarad ah. Isku dhaca ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid hantiyeed.

Weerarkan ayaa billowday markii ay fooda isdareen ciidan waday agabka codaynta iyo maleeshiyo hubaysan oo taabacsan mucaaradka Mana aha markii ugu horeysay oo uu weerar ka dhaco Garoowe, kaasoo salka ku haya arrimo doorasho.

Related posts

Daawo Sawirada : Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah Adis Ababa loogu soo dhaweeyay

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Maamulka Somaliland oo Mushaharkooda ugu deeqay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Waare oo Guddi cusub magacaabay xili Mudo xileedkiisa gabo gabo marayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---