Askar ka badan 1,500 oo maalmaha soo socda ku soo wajahan Somalia

Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Milliteriga Uganda, General Wilson Mbadi waxaa uu sheegay in 1,556 Askari Tababar ugu soo xiray Xerada Hawlgallada Taageeradda Nabadda ee Singo oo ka tirsan Degmadda Nakaseke ee dalkaasi.

Ciidankaasi ayaa wata sumadda Kooxda Dagaalanta ee Uganda ee 37-aad (Uganda Battle Group UBG XXXVII), waxayna bedeli doonaan dhigooda 34-aad ( UBGXXXIV), kuwaasoo maalmaha soo socda dib ugu laaban doona dalkooda

Ciiddanka Uganda ee ku soo wajahan Somalia waxaa Taliye u ah Colonel Charles Asiimwe, iyadoo Ciidankaasi lagula dardaarmay inay Mushaarkooda ku kaydsadaan UPDF SACCO, iyo inay si fiican ugu diyaar garoobaan Mustaqbalka Safarkooda Hawlgabnimada.

Ugandha ah dalka ugu badan ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo dhinaca amaanka ka taageeraya dowlada Soomaaliya oo dagaal ba’an kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -