(Akhriso Bayaan) Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland oo digniin kama dambeys ah siiyey Deni

Shir ay yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa si weyn waxay uga soo horjeesteen doorashada goleyaasha degaanka ee laga qaban-qaabinayo degaanada Puntland, kuwaasoo uu gadaal ka riixayo Madaxweyne Deni.

Bayaan ka soo baxay Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la hakiyo doorashooyinka golayaasha degaanka ee ku salaysan qof iyo cod islamarkaana la isugu yimaado wada hadal siyaasadeed si loo helo doorashooyin loo dhan yahay oo aan dhinac ahayn.

Waxaa bayaanka lagu sheegay in doorashooyinka qof iyo cod ee laga qabanqaabinayo Puntland ay xiligan sababi karaan qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -