Dowlada Mareykanka oo Baaq u dirtay Dowlada federaalka iyo Maamul goboleedyada

War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada ka jira dalka in ay dib usoo celiyaan wada shaqeyntooda.

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in wada shaqen dhab ah oo dhax marta dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada ay horseedi karto in laga adkaado xarakada Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay Qoraalka Mareykanka wada shaqeyn dhax marta dowlada federaalka iyo shanta maamul goboleed ee dowlada hoostaga ay keeni karto horumar iyo barwaaqo shacabka Soomaaliyeed ay gaaraan.

”Waxaan sii wadeynaa dadaalada ku aadan dhinacyada dowlada Soomaaliya iyo dhammaan shanta madaxweyne ee dowlad goboleedyada ” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowlada Mareykanka.

Safaarada Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa mar kale cadeesay in ay aqoonsan tahay Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo dhawaan lagu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Halkan ka akhriso Qoraalka Mareykanka kasoo baxay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -