Gen. Sam Okiding oo soo gaaray Muqdisho Ballan-qaad culusna sameeyay (Sawirro)

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa soo gaaray taliyaha cusub ee ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS  Gen. Sam Okiding, taliyaha ayaana la filayaa in dhawwaan xilka loo magacaabay si rasmi ah ula wareego.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS kusoo dhaweeyay taliye kuxigeenka ciidanka ATMIS Jeneraal Tegegh Kindu iyo saraakiil kale oo katirsan ciidamada ATMIS.

Gen. Sam Okiding ayaa sheegay in shaqada ugu horeyso uu qabanayo noqon doonto caawinta ciidanka  Soomaaliya, waxa uuna ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya loogu wareejin lahaa amniga guud ee dalka.

“Waxa ugu muhiimsan waa in la taageero ciidamada amniga Soomaaliya si waafaqsan howlgalka ATMIS, Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 iyo 2670, waxaana ballan-qaadayaa in aan si dhow ula shaqeyn doono dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo dhaqan geliyo waajibaadka howl-galka ee ah xaqiijinta habsami u wareejinta mas’uuliyadda amniga” ayuu yiri Lt. Gen. Okiding.

Xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada ATMIS ayaa la filayaa in ay ka dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS Gen. Sam Okiding oo horey usoo noqday taliyihii qeybta koobaad ee ciidamada AMISOM.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -