Wadaado diiday in ay Wax ka sheegaan Ikhwaanul Muslimiin oo shaqada laga joojiyay 

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaqada ka joojisay Wadaado iyo Imaamyo caan ka ah gudaha dalkaasi, kadib markii ay ka biyo diideen in ay masaajida ka cambaareeyaan kooxda Ikhwaanul Muslimiin.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Sacuudiga, Abdullatif bin Abdulaziz al-Sheikh ayaa shaaciyay in ay shaqada ka fadhiisiyeen qaar kamid ah Imamadda masaajidada ku yaal dalkaasi oo diiday in khatarta Ikhwaanka dadka wacyi galiyaan sida uu tilmaamay.

”Waa run waa jirtaa in shaqada laga joojiyey imaamo badan kadib markii ay fulin waayeen waajibaadkooda ka wacyi-gelinta shacabka ee khatarta fikirkaasi khaldan, taasi micnaheeda maaha inay iyagu ka tirsan yihiin Ikhwaan Muslimiinka ama taageeraan balse kaliya waxay u hogaansami waayeen awaamiirta dowlada, waxaana lagu bedalay wadaado diyaar u ah inay fuliyaan sharuucda dalka u yaal…” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Sacuudiga.”

Boqortooyada Sacuudiga ayaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin ku dartay liiska waxa loogu yeero argagaxisada, waxa ayna wadaada dalkaasi Boqortooyada amartay in kooxdaasi cambaareeyaan ayna dadka uga digaan la shaqeyntooda.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -