Madaxweyne Biden oo ciqaab ugu goodiyey dhinacyada isku haya dalka Sudan

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ka xumaaday rabshadaha ka sii socda dalka Sudan, isaga oo soo rogay cunaqabatayno.

Waxaa ka mid ah cuno qabateynta in xannibaado lagu soo rogayo qof kasta oo u dhashay dalkaas oo caqabad ku ah, geeddi-socodka dimoqraadiyadda Sudan.

Tallaabooyinka cunaqabataynta ah ee la qaadayo waxaa ka mida, in ka xayiro hantida iyo xisaabaadka uu ku leeyahay Maraykanka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la soo afjaro colaadda ka socota dalkaas.

Dagaal xooggan ayaa ka dhacaya gudaha iyo agagaarka caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, inkasta oo dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi ay hore isugu raaceen heshiisyo xabbad-joojin ah.

Ciidamada dawladda Sudan iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa midba kan kale isku dayayaa inuu ka fara-maroojiyo xarumaha ku yaalla bartamaha caasimadda Sudan, iyo gacan ku haynta goobaha ku hareeraysan madaxtooyada iyo saldhigyada ciidamada.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM ayaa toddobaadkan sheegtay in ugu yaraan 334,000 oo qof inay ku barakaceen dagaalada.

Wasaaradda caafimaadka ee Sudan ayaa sheegtay in inkabadan 500 oo qof inay ku dhinteen colaadda Sudan, halka in ku dhow 5,000 oo qofna ay ku dhaawacmeen, tan iyo markii uu dagaalku ka bilawday dalkaas bishii April 15-keedii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -