Booliiska Muqdisho oo gacanta ku dhigay Haweeney dishay Wiil ninkeeda dhalay (Sawirro)

Ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney la sheegay in ay dil arxan darro ah u geesatay wiil yar oo eedo u aheyd uu dhalay ninkeeda.

Haweeneydan oo warbaahinta usoo bandhigeen booliiska ayaa la sheegay in si xun u garaacady wiilka saqiirka ah uuna u geeriyooday jir dilka, waxaana wiilka yar  jirkiisa ka muuqda garaacis xooggan ay u geestay eedadiis.

Booliiska ayaa sidoo kale soo bad baadiyay gabar kale oo la dhalatay wiilka ay dishay eedadiis, waxa ayna booliiska sheegeen in gabadha yar iyana jirkeeda ka muuqday dhaawacyo xooggan ay u geesatay eedadeed.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaritaano ku wadaan haweeneyda dilka u geesatay wiilka yar, waxa ayna booliiska sheegeen in caddaalada la hor-geyn doono eedada arcanka daran ee dishay wiilka ninkeeda uga tagtay.

Aabaha dhalay carruurtan yar yar ee midna geeriyooday midna lasoo bad baadiyay ayaa kunool dalka dibadiisa, waxaana la sheegay in xaaskiisa oo ah tan dilka geesatay carruurtan u heesay kuna biilayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -