Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Garoowe

Qarax weyn oo ismiidaamin ah ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wararka qaar ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray saldhiga Booliska magaalada Garoowe, halka warar kalena ay sheegayaan nin xirnaa jaakad miineysan uu isku qarxiyey gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo kuv sugnaa agagaarka saldhiga Garoowe.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan hase ahaatee ciidamada amaanka ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo rasaas xoog leh laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

La soco wixii soo kordha..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -