Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Rooble oo isku bedalay labo kamid ah Golihiisa Wasiirada

Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta isku bedelay labo kamid ah golihiisa Wasiirada.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Raisul Wasaare Rooble ayaa loogu magacaabay Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arimaha Bulshada Duraan Axmed Faarax in uu noqdo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Waxaa sidoo kale wareegtada kasoo baxday Raisul Wasaare Rooble loogu magacaabay Wasiirkii hore ee Duulista  Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar in uu noqdo Wasiirka cusub ee Wasaarada Shaqada iyo arimaha Bulshada.

Raisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaana isku shaandheynta uu ku sameeyay labadan wasiir kusoo aaday xili kala guur ah  ,lamana oga sababaha keenay isbadalkan.

Related posts

Booliska Muqdisho oo qabtay gaari qarax laga soo buuxiyey iyo ninkii waday (Sawirro)

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo War cusub ka soo saartay doorahooyinka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Mashruuc weyn oo laga fulinayo 3 maamul goboleed oo Muqdisho lagu daah furay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---