Maamulka G/Banaadir oo lacago kusoo rogay Jaamacadaha iyo Wasaarad arintaasi kahor timid

Maamulka gobolka Banaadir ayaa lacago ay ku sheegeen diiwaan galin waxa ay kusoo rogeen Jaamacadaha kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana lacagahan gobolka soo rogeen kahor yimid Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

Maamulka gobolka Banaadir, xafiiska maamulka iyo maaliyadda ayaa ku amray Jaamacadaha magaalada Muqdisho in ay isdiiwaan galiyaan ayna bixiyaan lacag diiwaan galin ah oo gaareysa Kun Dollar.

Qaar badan oo kamid ah Jaamacadaha kuyaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lama filaan ku noqotay lacagtan ay kusoo rogeen maamulka gobolka, waxa ayna Jaamacadaha sheegeen in ay iska diiwaan galiyeen Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay lacagta gobolka kusoo rogtay Jaamacadaha ay tahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, ayna haboon tahay in gobolka uu dib uga laabto meel-marinteeda.

Wasaaradda waxa ay cadeesay in cutubka 4aad, qodobaddiisa 10, 11, 12 ee sharciga waxbarashada sare ee Soomaaliya qodobbadaas oo si cad u qeexaya habraaca diiwaan-gelinta jaamacadaha inay tahay awoodda wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa qaada lacago badan oo canshuuro iyo isdiiwaan galin ah oo laga qaado ganacsatada iyo guryaha, mana jirto lacagtaasi gobolka qaado wax muuqda oo loogu qabto bulshada degan Muqdisho ee canshuurta laga qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -