Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay lacago been abuur ah oo isugu jiray Dollar iyo kuwa Shilin Soomaali ah.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay lacagahan been abuurka ah oo la sheegay in lasoo galiyay magaalada Guriceel lagana keenay magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa sidoo kale xiray su’aalana weediinaya dad lagu qabtay lacagahan been abuur ah oo qaarkood magaalada la galiyay, waxa ayna ciidamada baadi goob ugu jiraan dad kale la tuhmayo in lacago been abuur ah magaalada soo galiyeen.

Lacagaha been abuur ah oo lagu sameeyo makiinado ay leeyihiin shaqsiyaad ayaa dhibaato badan dalka ku haya, waxaana lacagahaasi lagu dhacay dad ganacsato ah iyo dad kale oo la sheegay in ay yihiin lacago sax ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -