Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo jawaab caro leh siiyey Madaxweyne Xassan Shiikh & Raisul Wasaare Xamse (Daawo)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga jawaabay hadallo kasoo kala yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Deni oo si aad ah uga xumaaday hadalkii uu xalay sheegay Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay inuu yahay Nin xoghaye u ah Madaxweyne Xasan Sheekh balse aan aheyn Nin mas’uul ah oo Shaqadiisa gudan kara.

“Xasan Sheekh federaal diidnimada waxa uu ku darsadey dimuqraadiyad diidnimo. Nacabka kusoo duulay Laascaanood ka yeeli mayno”.ayuu yiri Deni.

Hogaamiyaha Puntland Deni ayaa hadalkan ka jeediyey isku soo bax qeyb ka ah doorashooyinka lagu muransan yahay kaasoo ururkiisa KAAH maanta ku qabsaday magaalada Gaalkacyo.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre – ayaa siyaabo kala duwan waxay cod dheer uga digeen in Puntland laga qabto doorasho aan heshiis lagu lahayn taasoo ay hoosta ka xariiqeen in ay dhabaha u xaari karto qalalaase siyaasadeed, xasilooni-darro amni iyo burbur dowladnimo.

HOOS KA DAAWO HADALKA DENI UU UGU JAWAABAY MADAXDA FEDERAALKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Iiran oo ku hanjabtay in Xirayso Gacanka Hormuz iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Xildhibaan Fiqi ”Senator Muuse Suudi reer Kismaayo waa u diideen inuu cagahiisa ku socdo”

Caydiid Ali

Innaga iyo Yar yarka :Magaca Al Shabaab oo lagu baado dhalinyarada aada dalka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---