Xildhibaan Fiqi ”Senator Muuse Suudi reer Kismaayo waa u diideen inuu cagahiisa ku socdo”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka Somalia kana mid ahaa wufuudii maanta caleemo saarka Axmed Madoobe u tagay Kismaayo ayaa sheegay in si diiran loogu soo dhoweeyey magaaladaas.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed uu kala celin waayey waayey gumeystihii, isagoo ficil xaasidnimo ah ku tilmaamay xanibaadii dowlada Somalia ku sameysay magaalada Kismaayo

Qoraal uu soo bandhigay bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay soo dhoweyntii Kismaayo loogu sameeyey isaga iyo wufuudii kale ee la socotay sidan ayuuna u qornaa:-

Safarka Kismaayo ay ku tageen madaxdii hore, xildhibaanno labada aqal ah, wafdiga uu hogaaminayey madaxweynaha Puntland iyo waxgarad Soomaaliyeed oo kale ma ahan haddiyad iyo asxaan madaxda Villa Soomaaliya ay sameeyeen balse waa xaq dastuuri ah oo dastuurka dalku uu kafaalo qaadey, mana jirto cid xaqqaas marooqsan karta oo marti looga yahay.

Senator Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo reer Kismaayo u diideen inuu cagahiisa ku socdo ayagoo soo dhoweyn heer Sare ah oo hawada sare ah ku soo dhoweeyey.

Dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah taariikhda waxey aheyd markii koowaad In todobaadyadii la soo gudbey ay cid sheeganaysa madaxtinimo Soomaaliyeed ay isku dayaan In isku socodkooda ay xannibaad kala dhex dhigaan, waxey noqon doonaan todobaadyadaas kuwo taariikhda qeybteeda madow u gala ciddii soo curisay, kuwii taageeray iyo kuwii fuliyey ficilkaas xaasidnimada ah.

Dadkaan iyo dalkaan gumeystihii ayaa kala celin waayey, waxaan ceeb ahayn kama dhaxlayaan kuwii isku daya kala xannibkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -