Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo Culus oo lagu garaacay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo Ciidanka dowladda oo…

Wararka ka imaanaya deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in saakay halkaasi lagu garaacay duqeymo culus, waxaana duqeymaha lala beegsaday goobo ay Al Shabaab joogaan.

Duqeymaha ayaa la sheegay in ay fuliyeen diyaarado dagaal oo taageeraya ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee duullaanka ku qaaday deegaankaasi, waxaana du qeymaha si gaar ah loola beegsaday goobo fariisimo u ahaa Al Shabaab.

Afhayeenka maamulka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn xooggan lala beegsaday kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in ciidanka dowladda isku diyaarinayaan in si buuxda ula wareegaan deegaankaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa isku dayaya in ay si buuxda gudaha ugu galaan deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay ku guul dareesteen in shalay weerar culus ay ku qaadeen ku qabsadaan.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka ka dhacay deegaankaasi guulo ka sheegtay dowladda iyo sidoo kale Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Garoowe & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Maxaa ka jira Bishar Al-Asad uu ku dhintay shil dayuuradeed?

Caydiid Ali

Saraakiil la sheegay iney ka soo goosteen Al-shabaab oo la soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---