Daalibaan oo laga codsaday in aysan soo gelin Kabul ayna fursad siiyaan Wadahadal socda

Kooxda Daalibaan ayaa isku diyaarineysa in ay si buuxda ula wareegto magaalada Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan, kadib markii madaxweynihii dalkaasi isaga caray dalka kana degay xilka.

Madaxa Golaha Sare ee Dib-u-heshiisiinta Qaranka Afganistan, Cabdalla Cabdalla ayaa muuqaal uu soo duubay uga codsaday hogaanka kooxda Daalibaan in aysan dagaalyahanadooda soo gelin caasimada ayna fursad siiyaan wadahadalka socda.

Cabdalla Cabdalla ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Reer Afganistan inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo inay Ciiddamada hubaal ka dhigaan Amaanka dalka gaar ahaan magaalada Kabul ee caasimada dalkaasi.

Kooxda Daalibaan ayaan wali ka jawaabin codsiga kasoo yeeray hogaamiyahan , waxaana wali wadahadalo magaalada Kabul uga socdaan xubno katirsan hogaanka Daalibaan iyo madax kale oo katirsan dowlada Afgaanistan oo la filayo in xilka ku wareejiyaan Daalibaan.

Madaxweynaha dalka Afgaanistan Ashraf Qaani ayaa isaga caraya magaalada Kabul waxaana warar soo baxaya sheegayaan in uu ka degay magaalada Dushanbe ee caasimada dalka Tajikistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -