Ciidamo taabacsan Ahlu sunna oo maanta dagaal la’aan la wareegay degaano cusub

Ciidamada Ahlusunna oo saaka ka dhaqaaqay degmada Guriceel ayaa la wareegay gacan ku heynta degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Ciidanka Ahlusunna ayaa la wareegay deegaanada Afcacaag, Dhagaxya-weyn iyo Jiif Xaraare ee Galgaduud, mana jirin wax dagaal ah oo halkaas ka dhacay ka dib markii ay isaga baxeen Al-shabaabkii heystay.

Saraakiisha Ahlusunna ayaa sheegaya in howlgalku sii socon doono ayna ku wajahan yihiin deegaano kale oo ay joogaan Al-shabaab.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Ciidamada Ahlusunna ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud halkaasoo ay gacanta ku hayeen Ciidanka Maamulka Galmudug, waxaana weli taagan xiisada ka dhalatay qabashada Guriceel.

Si kastaba xal rasmi ah ayaa laga gaarin xiisada labada dhinac, isla markaana waxaa socda dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka Ahlusunna iyo Galmudug, waxaana dadaalada wada Xildhibaano iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -