Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiirkii Arimaha Dibadda Iran oo si lama filaan ah isku casilay

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowlada Iran Mohammad Javad Zarif ayaa si lama filaan ah shaaca uga qaaday in uu xilka iska casilay ,kadib qoraal kooban uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Instagram-ka.

Qoraalka uu soo dhigay Wasiirka Arimaha dibadda Iran barta Instagram-ka ayuu kaga cudur daartay in uu shaqada ka tago, waxa uuna cadeeyay in uusan awoodin in uu shaqadiisa sii wato.

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Iran ee lagu magacaabo Irna ayaa iyada oo soo xiganeysa Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibada xaqiijisay is casilaada Wasiirkii Arimaha Dibadda Iran.

Mohammad Javad Zarif ayaa ahaa 59 jirkan ayaa wax ku soo bartay Maraykanka wuxuuna shahaadada jaamacadda ugu sarraysa ee PhD ka haystaa shuruucda caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Denver.

Wasiirkan is casilay ayaa intii uu xilka hayay soo qabtay shaqooyin waa weyn ay qeyb ka aheyd heshiiskii taariikhiga ee Nukliyeerka laga gaaray sanadkii 2015-kii, heshiiskan ayaana dhax maray dowlada Iran iyo qaar kamid ah wadamada caalamka awooda ku leh

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cudurka Caronavirus oo loo helay daawo dhaqmeed muran dhalisay iyo dad isticmaalay oo…

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada :Guddiga madaxa banaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa

Cabdi Cade

Xil ka qaadistii  Kheyre oo laga faa’iideestay iyo Xilal si hoose loo magacaabay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---