Allbanaadir.com
NEWS

Xaafad hal waddo dhinacyadeeda looga nool yahay oo dad badan soo jiidatay (Sawirro)

Sułoszowa, oo ah xaafad ku taalla dalka Poland  oo dhacda meel godan ah oo ay kuy nool yihiin dad gaaraya 6,000 ayaa waxaa loo bixiyay Little Tuscany, waxa ayna noqotay xaafad dad badan soo jiidatay.

Muddo fog ayay dhisan tahay xaafadan yar, laakiin dhawwaan ayay qabsatay hadalheynta iyo indhaha bulshada, kadib markii muuqaal laga duubay uu aad ugu dhex baahay baraha bulshada.

Dad badan ayaa layaabay sida cajiibka leh ee xaafaddan loo qaabeeyey dhismaheeda. Labadeeda dhinac waxaa ku yaalla guryo tiro ahaan aad isugu dhow muuqa guud iyo midabka isaga eg. Waxaana ku hareereysan deegaan cagaaran oo dadku ku dhaaya-tiirsadaan.

Waxa xiisaha leh ayaa ah in hal jid oo weyn oo kala qeybiyo xaafaddan oo si aad looga fikiray loo dhisay, waana xaafad si weyn uga duwan xaafadaha kale ee caalamka, waxa ayna noqotay meel soo jiidasho badan leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Milatariga Soomaaliya oo ka hadlay shakiga laga muujinayo Xuska 12-ka April

Cabdi Cade

RW Khayre oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddoomiye Cumar Filish (Sawirro)

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo qaabilay Safiirro doorashadii dhacday goobjoog ka ahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---