Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddoomiye Cumar Filish (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay horumarinta gobalka, sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay howluhu u socdaan iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyneyso fulinta qorshayaasha horumarineed, ayaa guddoomiyaha faray in maamulka gobalku la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Turkiga, Ruushka iyo Iran oo ka shiraya dagaalka Siiriya

Caydiid Ali

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay Deegaanka Masagaway

Cabdi Cade

Milateriga difaacyada kaga jira Baraawe oo ku biiray ciidamada gadoodsan (Daawo Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---