Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Nin Maraykanku uu Madaxiisa dul dhigay Malaayiin dollar oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada ammaanka dalka Ciraaq ayaa gacanta ku dhigay Sami Jasim, oo ah xubin sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka.

Ninkan ayaa mar ahaa ku-xigeenka hoggaamiyihii hore ee kooxda, Abu Bakar Al- Baghdadi, oo ay labo sano ka hor dileen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq, Mustafa al- Kadhimi, ayaa sheegay in ninkaas uu yahay madaxa maaliyadda ee IS, laguna soo qabtay howlgal adag oo laga fuliyay bannaanka Ciraaq.

Mareykanka ayaa sanadkii 2015-kii madaxa Jaism dul dhigay shan milyan oo doollar. Inkastoo IS laga saaray dalkaas sanadkii 2017-kii haddana waxay sii wadday inay weerarro joogto ah ku qaaddo Ciraaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada gobolka Banaadir oo go’aan ka gaartay xariga weriye Cali Aadan Muumin

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey xiisadii caawa ka taagneyd Muqdisho & Ciidamadii DF oo..

Caydiid Ali

Ruushka oo Tijaabiyay Hub nuuciisa aan horey loo arkin iyo dowlado walaac ka muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---