Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Bambaano oo lagu qaaday guri lagu caweeyo oo kuyaala Muqdisho

Weerar bambaano ayaa xalay lagu qaaday guri la sheegay in lagu caweeyo oo kuyaala xaafada Fagax ee degmada Yaqshiid , waxaana weerarkan khasaaro uu kasoo gaaray qaar kamid ah dadkii gurigaasi ku sugnaa.

Kooxo aan la garan ayaa la sheegay in xalay bambaano ku tuureen guriga ku yaala degmada Fagax, waxaana goobtaasi si deg deg ah uga baxsaday dadkii bambaanada ku tuuray gurigaasi.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka bambaano ku dhaawacmeen dad ku dhaw 10-qof oo kamid ahaa dhalinyaradii halkaasi ku caweenaysay oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Laamaha amaanka ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, waxa ayna ciidamada u gurmadeen dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay oo loo qaaday qaar kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa kuyaala guryo badan oo xiliyada habeenkii ah lagu caweeyo, waxaana guryhaaasi isugu taga dhalinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaa ilaa xili dambe guryahaasi kuwada caweeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxo ka ganacsanayay iyo kuwa Isticmaalayay waxyaabaha Maanka dooriya oo caawa Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulan arrin taagan looga dooday

Cabdi Cade

Madaxweyne Sheekh” Hal tilaabo hadii ay soo qaado Itoobiya Saddax tilaabo ayaan qaadaynaa”.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---