Allbanaadir.com
NEWS

Ergay bedelaya James Swan oo loo soo Magacaabay xafiiska Q/Midoobay ee Somalia

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay dalka Britain loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM).

Waxay xilka kala wareegi doonta James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka kaasoo xilkan hayey sanadihii la soo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Guterres ayaa lagu sheegay in Catriona Laing ku soo kordhin doonto doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto inay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dawladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah.

Magacaabisteeda ka hor waxay aheyd safiirka UK ee dalka Nigeria intii u dhexeysay Nofambar 2018 ilaa Abriil 2023.

Catriona Laing, ayaa hore u soo noqoday madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993 ilaa 1994.

 

 

Related posts

Siyaasiga C/qaadir Jaahweyn oo ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Somalia

Cabdi Cade

Goormuu Maraykanku joojinayaa tababarka ciidamada gaarka ah ee DANAB? (Warbixin)

admin

Madaxweyne Masjidka waa Goob cibaado ee fagaaraha imow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---