Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Muqdisho kasoo dejisay Soomaali kasoo carartay Colaada Sudan (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ku mashquulsan in dalka Sudan iyo dalalka dariska la ah kasoo daad-gureyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo carartay colaada sukeeye ee ka qaraxday dalka Sudan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa shalay kasoo degtay diyaarad siday 73 qof oo Soomaali ah, kuwaa oo u badnaa arday Soomaaliyeed oo wax ka baranayay jaamacado dalka Sudan kuyaalla.

Wasiirka arrimaha duibadda xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxa uuna sheegay wasiirka in wali socdaan daad-gureynta Soomaalida kasoo carartay Sudan.

Diyaaradan Muqdisho keentay muwaadiinta Soomaaliyeed ee kasoo qaxay dalka Sudan ayaa noqoneysa tii afaraad, waxaana guud ahaan noqonayaan Soomaalida kasoo carartay Sudan ee dalka kusoo laabtay 242 qof oo isugu jira rag, dumar, da’ iyo carruur intaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Wiil yar ku dhax Kufsaday Masaajid gudihiis oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah rag Booliska Kenya shaaciyeen Sawiradooda oo isa soo dhiibay

Caydiid Ali

Qaybta 2aad :-Muxuu ahaa codkii mucjisada ahaa ee la maqashiiyay Nebi Suleymaan CS? (Qiso cajiib ah)

admin
Taboola Ads ---