Duqeymo lagu hoobtay oo saaka waaberigii ka dhacay caasimada Kyiv & meelo kale (Sawirro)

Ruushka ayaa gantaalo ku tuuray magaalooyin ku yaala dalka Ukrain xilli ay dadku hurdeen subaxnimadii jimcaha, ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay duqeymihii ugu horeeyay ee ballaran muddo laba bilood ah.

Weerarada aroornimadii hore ee saaka ayaa la qaaday xilli Kyiv ay isku diyaarinayso inay qaado weerar rogaal celis ah oo ay isku dayayso inay dib ugu soo ceshato dhulka uu Ruushka qabsaday.

Bartamaha magaalada Cumaan, dab-damiska ayaa la dagaallamayay dab xooggan oo ka kacay dhismo guri oo la deggan yahay kaas oo ku dhacay dabaq sare. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay oo ay ku jiraan labo caruur ah, sagaal kalena isbitaal ayaa loo qaaday, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Ihor Taburets.

Magaalada Dnipro ee koonfur-bari, ayaa gantaal ku dhacay guri, waxaana ku dhintay ilmo laba jir ah iyo haweeney 31 jir ah, guddoomiyaha gobolka Serhiy Lysak ayaa sidaas yidhi. Saddex qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen 21 ka mid ah 23 gantaal oo nooca Cruise-ga ah oo uu soo riday Ruushka.

“Argagaxisada Ruushka waa inay wajahdo jawaab cadaalad ah oo ka timaada Ukraine iyo caalamka,” Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa ku qoray fariin uu soo dhigay Telegram.

Ma cadda waxa uu Ruushku ku beegsanayay weerarradii Jimcihii saaka in kastoo ay si joogto ah u garaaceen kaabayaasha rayidka, gaar ahaan xarumaha tamarta inta lagu jiro jiilaalka.

Bilawgii dabayaaqadii sannadkii hore Ruushku waxa uu qaaday weerarro caynkan oo kale ah toddobaadle, iyada oo waddammada reer galbeedku sheegeen in Moscow ay adeegsatay inta badan gantaallada riddada dheer ee ay isku dayday inay ku xayirto magaalooyinka Ukraine.

Moscow ayaa sheegtay in aysan si ula kac ah u beegsan dadka rayidka ah, balse duqeymaha cirka iyo duqeymaha ay geysanayaan ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof iyagoo burburiyay magaalooyinka Ukraine.

Kyiv ayaa sheegtay in duqaymaha lagu hayo magaalooyinka ka fog jiida hore ee dagaalka aanay lahayn wax ujeedo ciidan ah marka laga reebo cabsi gelinta iyo waxyeelaynta dadka rayidka ah, taas oo ah dambi dagaal.

Magaalada caasimadda ah ee Kyiv ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay qaraxyo, iyadoo saraakiisha ay sheegeen in cutubyada difaaca cirka ay burburiyeen 11 gantaal iyo labo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Laba qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Ukrayinka oo dhanka koonfureed kaga beegan Kyiv, sida ay saraakiishu sheegeen.

Qaraxyo ayaa sidoo kale xalay saqdii dhexe laga soo sheegay magaalooyinka dhexe ee Kremenchuk iyo Poltava, iyo Mykolaiv ee koonfurta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax Ukraine.

- Advertisement -